Hot Topics

Video:-Baarlamaanka fadaraalka Oo ka hor yimid shirka Baydhabo Ee madaxda Somalida

Mahad Cabdalla Cawad Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in NGO laga leeyahay Maraykanka shaqadii Gudigii Dib u eegista -dastuurka ay gacanta ugashay.

Mahad waxuu cadeeyay in Guddiga kor-joogteynta dib-u-eegista dastuurka ee labada Aqal ee baarlamaanka fadaraalka iyo Guddiga Madaxabanaan ee dib-u-eegista iyo hergalinta Dastuurka aysan jirin wax gacanta ugu jira,isla markaana hay’addaas aysan cidna u ogolayn xogta hawshaas.

Mahad Cabdalla Cawad,ayaa sidoo kale qaylo dhaan kasoo saaray shirka la filayo in uu baydhabo ka dhaco bishan 28-keeda ,kaasoo ay ku kulmayaan madaxda dowlada fadaraalka iyo madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowlada fadaraalka.

Hadaba muuqaalka oo faahfaahsan hoos ka daawo.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka