Hot Topics

Video:-Somaliland Oo sheegtay in Madaxweyne Xasan Shiikh ogaa heshiiska Berbera

Masuul u hadlay maamulka Somalialnd,ayaa sheegay in dowladii Xasan Shiikh ay ufasaxday Somaliland in ay gei karto heshiisyada horumarineed,sidaa daraadeedna ay xaq uleeyihiin in ya galaan heshiis walba oo dani ugu jirto.

Somaliland ayaa Shirkada DPWORLD waxay la gashay heshiis ay ugu wareejisay Dekeda Berbera,kaasoo saami qaybsigiisa ay Itoobiya qayb ka tahay kana heshay saami qaybsi gaaraya boqolkiiba sagaal iyo toban halka Somaliland ay ka heshay boqolkiiba kow iyo sodan.

Hadaba Xasan Shiikh Madaxweynihii hore ee dowlada fadaraalka Somaliya  sida masuulkan u hadlaya maamulka Somaliland uu sheeganayo hadii heshiiska Dekeda Berbera isagu saxiixay oo ogolaaday waa khiyaamo qaran oo mudan in maxkamad lagu soo taago maanta.

Rw Khayre oo shalay ka hadlay heshiiskan ayaa si adag u naqdiyay sheegayna in uu yahay xaraan iyod hac lagu samaynayo hantida Umada Somaliyed.

Hadalka Rw khayre ayaa waxaa aad usoo dhaweeyay guud ahaan shacabka Somaliyed waxuuna ahaa mid masiiriya oo ay tahay in uu sidiisa ay ugu sii adkaysato dowlada fadaraalka Somaliya.

Dhanka kale waxaa wax lala yaabo ah xishood darida hogaamiyayaasha Itoobiya ee sida qaawan ugu xadgudbaya nidaamka caalamiga ah,iyadoo shacabka Somaliyed ay aad isu waydiinayaan waxa mar walba Itoobiya ku qaadaya in ay kala qaybiso Somalida.

Waa muhiim in itoobiya dib u eegto siyaasadeeda waxna ka badasho lana jaanqaado Somaliyada dib usoo kabanaysa sidaa waxaa qaba aqoonyahan iyo siyaasiyiin fara badan oo kasoo kala jeeda labada dal ee itoobiya iyo Somaliya.

”Itoobiya waxaa laga rabaa intay ku mashquuli lahayd sii kala qaybinta Somalida in ay dhanka kale uwareegto kuna talagasho in ay wax la qabsato Somaliya oo dowlad ah midaysan oo hal waji leh qaybna ka ah amaanka iyo horumarka Africa,sidaa ayay ugu badisaaye”sidaa waxaa yiri aqoonyahan falanqeeya arimaha siyaasada geeska Africa.

Hadaba heshiiska Dekeda Berbera ee Itoobiya ay ka heshay Saami qaybsigiisa boqokiiba sagaal iyo toban waa mid khatar ku ah midnimada iyo nidaamka dowli ee Somaliya,hoos ka daawo muuqaalka masuulka u hadlay Somaliland ee ka hadlay heshiiskaas iyo cida la ogayd.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan