Hot Topics

Video:-Ciilqabka iyo cuqdada Muuse Biixi ictiraaf ma gaarsiin doontaa Somaliland?

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta ka hadlay heshiiska dekedda Berbera ee shirkadda DP World, Somaliland iyo Itoobiya u dhaxeeyay, kaasi oo ay dawladda Soomaaliya ku tilmaamtay mid sharci darro ah, oo aanan waxba ka jirin.
 
Biixi, ayaa haddaba, hadalka dowladda Soomaaliya ka soo yeerey ku tilmaamay dagaal ka dhan ah Somaliland.
 
Madaxweynaha Somaliland, ayaa sheegay in heshiiskaas iyo heshiisyo badan oo kaleba lagu gelayo dekedda Berbera.
 
Muuse Biixi ayaa ka hadlayay marka uu hadalkan jeedinayo xuskii 8-da maarso ee maalinta Haweenka ee qyab ahaan lagu qabtay magaalada Hargaysa.
 
Dad badan ayaa aad ula yaabay sida caadifada iyo ciilqabka xooga leh uga muuqday hadalada iyo muuqaalka Muuse Biix xiligii uu hadlayay,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka