Hot Topics

Maahirkii dhalinyarada maayarkii Bosaaso?WQ.Daadir xasan

Aan ku bilaabo tixo ka mida sugaantii samataliska ahayd ee halgamaagii hal buurka somalida Xaaji Aadam Afqalooc uu ku tibaaxayay miisaanka dhalinyaradu iyo mudnaanta ay bulshada ku leeyihiin.
 
Umaddaan shabaabkeedu hanan waa u ayaan xuma
 
Inamiyo hablahaba waxaad tihiin aarankii kacaye
 
Itaal gabe dadkiinii hore waydin aragtaane
 
Idinkaa amaanada xilkii eeggan qaabilaye
 
Iskaa wax u qabsada noloshu waa udub dhexaadkiiye
 
Hagar laawe Xaaji aadan wuxu qarni ka hor u qareemay qiimaha da’yarta iyo qaybtooda bulsho,dhiiri gelin iyo dhawaaq xoogan ayuu meertada bulsho ugu tiraabay sida suugaantiisa ka muuqata.
 
Dhalinyarada waa halbawlaha iyo hanaqaadka ummad walba oo bulshooyinka aadanaha ka mid ah, masiirka iyo meel marka bulsho tanaaday waxaa tiir dhaxaad u ah da’yartooda samataliska ah, haldoorkii hilaabtay ee halganka aynu hadhsanayno hiigsigiisa dhaliyay waxay ahaayeen da’yar dareenka masuuliyadnimo damqayo, Halgankii SYL waa tusaalaha muuqda ee midha dhalka ay da’yarteenii lagu majeerto.
 
Intaas aan soo sheegay oo idil waxay markhaati u noqonaysa maxamed Mire inuu yahay mid mudan in la taageer laguna garab istago hankiisa siyaasiga ah.
 
Wuxuu leeyahay awood jir ahaaneed iyo mid naf ahaaneed taasoo u fududeynaysa inuu gali karo loolan iyo adkaysi fara badan.
 
Sido kale maxamed Xaaji mire wuxu leeyahay awoodo badan oo ka caawinaya inuu sida ugu wanaagsan u hoggaamiyaan degmada bosaaso ugana qaybqato hormarinta iyo bilicada magalada bosaaso.
 
Maahir maxamed mire haddii ku guulaysto maayarka magalada bosaaso waa shakhsi ka dhabeyn kara himilada shacabka bosaaso iyo midka mandaqada puntland oo dhan.
 
Intaas ha no joogto warbixintii maahiirkii dhalinyarada iyo maayarkii bosaaso,la soco qeybta labada.
 
Qore daadir xasan