Hot Topics

Dhagayso:-Soomaaliya Oo qaramada midoobey ka dacwaysay dowlada imaaraadka carabta

Dowladda Fadaraalka Soomaaliya, ayaa golaha ammaanka ee Q.M. u gudbiyay ashtako ka dhan ah Imaaraadka Carabta. Waxay dowladda ku eedeysay dowladda Imaaraadka oo saldhig ciidan ka sameyneysa magaalada Berbera mid xadgudub ku ah madax-bannaanida iyo shuruucda caalamiga ah.

Waxay dowladda Soomaaliya ka dalbatay golaha ammaanka ah ee Q.M. in uu qaado tallaabooyin wax looga qabanayo xad-gudub ay ku sheegtay inay Imaaradka Carabta ku sameeyeen shuruucda caalamiga ah, madaxbannaanida Soomaaliya iyo cuna-qabateyntii hubka ee saarnedy Soomaaliya. Jamaal Axmed Cismaan, ayaa soo koobaya warbixintaasi,hoos ka dhagayso codka.

 

 

 

 

Halkan hoose ka dhagayso codka Safiirka