Hot Topics

Xildhibaanad ka tirsan baarlamaanka K.galbeed Oo caawa muqdisho lagu dilay

Xildhibaanad Ruqiyo Abshir oo ka mid ahayd baarlamaanka maamul goboleedka Koofur galbeed Soomaaliya ayaa caawa 8dii fiidnimo waxay dabley ku dileen degmada Shibis ee magaalada Muqdisho.
 
Wasiirka warfaafinta ee maamulka Koofur galbeed, Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa xaqiijiayy geerida Xildhibaanada.
 
“Ruqiyo waxaa meel u dhow gurigeeda oo ku yaalla degmada Shibis ku dilay rag bastoolado ku hubaysan, ka dibna way baxsadeen” ayuu yiri wasiirku.
 
Xildhibaannadda ayaa ahayd qof siyaasadda ku cusub, wuxuuna dilkeeda u muuqdaa inuu yahay mid qorshaysan.
 
Ma jirto ilaa hadda cid loo qabtay dilka xildhibaanad Ruqiyo Abshir oo isla goobta ku naf baxday.