Hot Topics

Dhagayso:-Darbigii Kenya Ee Beledxaawo Oo la hakiyay dhismihisii

Wararka ka imaanaya magaalada Mandheera ayaa sheegaya in halkaas ay kulan ku yeesheen mas’uuliyiin ka socotay maamulka gobolka Gedo iyo madaxda amniga Kenya ee gobolka.

Kulanka ayey labada dhinac kaga xaajoodeen arrinta ku saabsan darbiga ay Kenya ka dhisayso xudduudda labada dal u dhaxaysa, kaasoo todobaadyadii u dambeeyey sababtay in banaabaxyo ay ka dhacaan dhanka Beledxaawo.

Kulankaas ka dib ayaa waxaa si wadajir ah saxaafadda ula hadlay madaxa amniga eegobolka wqooyi bari Kenya Maxamuud Saalax iyo guddoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Muxumad.

Weriye madax banaan oo BBCda u warramay wuxuu sheegay in labada mas’uul ay sheegeen in la joojiyey dhismihii darbiga muranka dhaliyey.

Waxay kaloo sheegeen in kulan kale ay isugu imaan doonaan si ay uga arrinsadaan talaabada xigta waxa laga yeeli doono iyo halka la marin doono darbiga.

Todobaadyadii u dambeeyey ayaa magaalada Beledxaawo waxaa ka socday banaanbaxyo lagu diiddan yahay derbiga ay Kenya dhisayso, kaasoo ay dadka deegaanku u arkaan in la dhex marinayo magaalada gudaheeda.

 

 

Xigasho BBC