Hot Topics

Video:-Wasiir Cawad”Waa sharcidaro heshiisyada imaaraadka carabta lagalay Somaliland”

Maalmo ka hor waxaa dacwad ka dhan ah dowlada imaaraadka carabta ugudbisay qaramada midoobey dowlada fadaraalka Somaliya.

Safiirka Somaliya ee qaramada midoobey oo ka hor akhriyay dacwadas golaha loo dhan yahay ayaa sheegay in heshiiska saldhiga milatari iyo kan Dekeda Berbera ee ay dowlada imaaraadka carabta la gashay Somaliland labo sano ka hor ay yihiin sharcidaro ka hor imaanaya midnimada iyo qaranimada Somaliya.

Dhanka kale Wasiirka arimaha dibada ee dowlada fadaraalka Somaliya ayaa isna sheegay in ay yihiin dhamaan heshiisyadaas kuwo sharcidaro ah oo baalmarsan nidaamka caalamiga ah,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka