Hot Topics

Video:-Maxaa ka taqaan ra’isalwasaaraha cusub Ee dowlada fadaraalka itoobiya?

Shirkii golaha dhexe ee xisbiga EPRDF ee maalmahanba kasocday xarunta dalka ee magaalada ADIS ABABA oo lagaga hadlayay ajandayaal dhawr ah oo ay kamid tahay doorashada Gudoomiyaha cusub ee xisbiga EPRDF oo noqonaya Raisal-wasaaraha dalka uu xisbiga EPRDF kudoortay Dr. Abiyu Ahmed oo kuguulaystay 108 cod iyadoo codka guud ee Goluhu uu ahaa 170 cod oo uu hal cod gubtay meesha mudane Shiferaw Shigute uu helay 59 cod, Dr. Debretsiona uu helay 2 cod. Sidaasna uu codka aqlabiyada uu kuhelay Dr. Abiyu Ahmed.
 
Hadaba gudoomiyahan cusub ee xisbiga EPRDF oo si bilaa shuruud ah wakhti xaadirkan ku ah raisal-wasaaraha cusub ee dalka Dr. Abiyu Ahmed ayaa khudbad muhiim ah oo uu doorashadii kadib kajeediyay golaha dhexe ee xibsbiga EPRDF hortiisa wuxuu kusheegay inuu sii xoojinayo jihooyinka siyaasadeed, horumarineed, nabadgalyo, maamul suuban iyo dimuqraadiyadeed ee uyaalay xisbiga EPRDF.
 
Wuxuuna carabka ku adkeeyay inuu sigaar ah ulashaqayn doono deegaanka Soomaalida itoobiya gaar ahaan gudoomiyaha XDSHSI ahna afhayeenka baarlamaanka DDSI mudane Maxamedrashiid Isaaq iyo gudoomiye kuxigeenka XDSHSI ahna madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar.
 
Sidoo kale, warbixin uu soo jeediyay xisbiga OPDO ayaa waxay kucanbaareeyeen dhibaatooyinkii kadhacay magaalada awaday iyo galbeedka hararge ee deegaanka oromada iyagoo sheegay inay aad uga xun yihiin.
 
Ugu danbayna hogaaminta XDSHSI oo ay ugu horeeyaan gudoomiyaha iyo gudoomiye kuxigeenka XDSHSI iyo xukuumada deegaankuba waxay goobtaas ugu hambalyeeyeen islamarkaana qoraalkan ugu hambalyaynayaan gudoomiyaha cusub ee xisbiga EPRDF loo doortay oo si bilaa shuruud ah wakhti xaadirkan u ah raisal wasaaraha cusub ee dalka.
 
Haddaba Waa Kuma Abiyu?
 
Waa 44 Sano jir wuxuuna ka sojeedaa Qoomiyadda Oromada, Muslim ah, Hooyadisna lashegey iney tahay Gaalo,Abihisna muslim,
 
Korneyl dhanka ciidamada ah ee NATIONAL DEFENCE FORCES (N.D.F) khaas ahaan aaga Eriteria, Sudan, iyo Baseka Harar kuyalla ahaa Lehna Khibradda Hogaamin ciidan, Dajina kara Kaarto Ciidan ee gaarsisan Heer waddan.
 
Sarkaal Hore dhanka Ciidamada Mukhabaradka iyo Kana so shaqeyey Laanta sirdonka Qaranka ee ugaarka ah EGYPT ama Masar iyo Dhaman wadamada musliminta ah lana so shaqeyey MOWSAADAD ee wadanka Israa’il.
 
Haysta shadada PHD ee Cilmiga siyasadda, Maamul wanaaga iyo Hogaaaminta, Leh Cimi IT oo Gaarsiisan Heer aad u sareeya.
 
Lehna Dhidibo dhanka xisbiga ah oo Haysta kalsoni dhanka Saraakiisha ah.
 
Siwalba ay ahaataba Abiyu ayaa Jiho Cusub u dhaqaajin kara Dalka Ethiopia lagana yaabo in uu Saameyn ku yeesho Bariga africa,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka