Hot Topics

Maxaa ka socda Xaafiiska Ra’isalwasaare Khayre Oo aadan ogayn?

Wararka aan ka helayno Xafiiska Raiisul Wasaaraha ayaa waxay sheegayaan in Raiisul Wasaare Khayre xalay la shiray gudoomiye ku xigeenka koowaad Cabdiweli Ibraahim Muuday iyo Wasiirada Xildhibaanada ah.
 
Shirkaas waxaa lagu go’aamiyey in berri fawdo laga sameeyo kulanka Baarlamaanka lana hor istaago Guddoomiye Jawaari inuu shir guddoomiyo kulanka. Sidoo kale waxaa lagu heshiiyey in warbaahinta aan loo ogolaan kulankaas. Waxaa kaloo lagu heshiiyey in Xildhibaanada lagu adkeeyo imaanshaha xarunta Baarlamaanka oo la xiro dariiqyada soo gala Baarlamaanka.
 
Arrintaan haddii ay ku dhaqaaqaan Wasiirada Xildhibaanada ah waxay keeni kartaa qalalaase cusub oo horseeda burburka Baarlamaanka oo amniga magaaladana khatar galiya. Wixii kale oo ka soo kordha waan idin la socodsiin doonaa.