Hot Topics

Video:-Muudey Oo shir jaraa’id qabtay una jawaabay Jawaari kuna dhawaaqay xiliga …

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka fadaraalka Somaliya Cabdiweli Muudey oo goor dhawayd qabtay shir jaraa’id.
 
Muudey ayaa sheegay in maalinka sabtida ah la qaban doono kulankii Mooshinka Gudoomiye Jawaari.
 
Majirto wax isbadal ah oo ku yimid Mooshinkii laga keenay Gudoomiye Jawaari ,waa sidisii waana dhacayaa kulankii ku saabsanaa Mooshinkaas”ayaa lagu yiri war saxafadeedka Muudey uu soo saaray.
 
Sidoo kale Gudoomiye xigeenka golaha shacabka ayaa waxba kama jiraan ka dhigay shirkii gudiga joogtada ah ee baarlamaanka ee uu shir gudoomiyay Jawaari,
 
Muudey ayaa sheegay in gudigaas aysan xaq u lahayn in ay fariistaan,iyadoo uu kal-fadhigii Baarlamaanku furan yahay,isla markaana Gudoomiye Jawaari uusan sharciyan xiligan wax gudoomin karin madaama uu ka yaalo Mooshin sifo sharciya looga keenay.
 
Shirkan jaraa’id ayaa imaanaya saacado kadib shir saxaafadeedkii uu qabtay Gudoomiye Jawaari.
 
Hoos ka daawo muuqaalka shirka jaraa’id ee Gudoomiye xigeenka golaha shacabka mudane Cabdiweli Muudey.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka