Hot Topics

Video:-Xildhibaano ka digay in dib loosoo celiyo Mooshinkii Jawaari

Xildhibaanada taageersan guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho waxa ay ugaga digeen in kulan aan loo dhamayn la qabto maalinta Arbacada ah ee soo socota,waxayna baaq u direen Madaxweyne Farmaajo.

Xildhibaanadan ayaa waxa ay ku eedeeyeen ra’iisal wasaare Kheyre iyo guddoomiye ku xigeenka 1aad ee baarlamaanka CabdiWeli Ibraahim Muudey in ay qas ka wadaan dalka waxayna ugu baaqeen Madaxweynaha inuu wax ka qabto.

“Haddii la isku dayo in shir lagu bedelayo kii sabtidii lagu qabto Muqdisho Arbacada waxay dhalin doontaa xiisad ka weyn tii Sabtidii dhacday.”ayaa lagu yiri shir jaraa’id ee ay qabteen xildhibaanada taageersan Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka