Hot Topics

Winnie Mandela oo ku Geeriyootay Koonfur Africa

Winnie Mandela oo ahayd xaaskii hore ee madaxweynihii Koonfur Africa Nelson Mandela ayaa maanta geeriyootay.
 
Winnie oo ahayd hayd 81 jir ayaa ka mid ahayd haweenkii u ololeyn jiray kacdoonkii ka dhanka ahaa midib takoorkii dalka Koonfur Afrika.
 
Afhayeen u hadlay qoyska Winnie ayaa sheegay in u geeriyootay xanuun muddo dheer hayay.
 
Waxay ku dhalatay gobolka Eastern Capr, waxayna door weyn kulahayd halganka, iyadoo sii waday ololaha muddo 30 ku dhawayd ee uu xirnaa Mandela.
 
Sannadkii 1996 ayay si rasmi isku-furreen madaxweynihii hore Nelson Mandela, inkastoo labada lamaane ay kala tageen bilowgii 1990-kii.