Hot Topics

Madaxweyne Gaas Oo Nairobi ku gaaray safar aan la shaacin

Madaxweynaha Punland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa shaley oo Sabti aheyd booqasho ku tagey magaalada Nairobi ee dalka Kenya,
 
Safarka Madaxweynaha,ayaa wararka aan ka helayno waxay sheegayaan in uu ku salaysan yahay dabagalka dhismaha wadada Galkacyo iyo Garowe oo ay ka taagan tahay xaalada is mari waa ah,ka gadaal markii hay’ada GTZ ee maalgalinaysay ay cabasho xoog leh ka keentay sida hawshu usocoto.
Wararka qaar ee ay helayso idil News,ayaa sheegaya in ay madaxda hay’ada ay diideen in ay la kulmaan wafti Wasiiro ahaa oo Madaxweyne Gaas horay ugu soo diray.
 
Madaxweynaha ayaa sidoo kale la filayaa in uu uga gudbo Nairobi caasimada itoobiya ee Adis-ababa,halkaas oo uu kulmao kula qaadan doono ra’isalwasaaraha cusub Abiye.
 
Safarka madaxweyne Gaas ayaa ah mid aan lasii shaacin oo kedis ah.