Hot Topics

Diyaaradii U siday lacagta safaarada imaaradka carabta Oo la fasaxay

Diyaaradii lacagta faraha badan siday ee u socotay Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho,ayaa la fasaxay,
 
Diyaaradda siday shixnada lacageed ayaa waxaa la socday Ciidamo Imaaraadka Carabta ka tirsan oo gaarayay illaa 30 askari,
 
Lacagta ay siday diyaarada ayaa gaareysay illaa 13-milyan oo dollar.sida ay noo xaqiijiyeen ilo lagu kasloonaan karo.
 
Wararka ayaa sheegaya in Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ay soo farageliyeen muran ka dhashay in la baaro shixnada, iyadoo diblomaasiyiinta Imaaraadka Carabta ka socotay ee lacagta ku sugayay garoonka ay ku doodeen in ay leeyihiin xasaanad diblomaasiyad.
 
Lacagta ay siday diyaaraddan ayaa qeyb ka mid ah ay ku socotaa Puntland,iyadoo lacagtaas loogu tala galay Ciidamada ay tababareen Imaaraadka Carabta ee loo yaqaan ciidamada badda Puntland ”PMBF”.