Hot Topics

Dowlada fadaraalka Oo ku dhawaaqday gudiyo la shaqaynaya hay’adaha qaramada midoobey

Dowladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa Ku dhawaaqday Guddi La Shaqeeya Hay’addaha Qaramada Midoobey Ee dalka Ka Howlgala
 
Si Loo Horumariyo Qorshayaasha Waxqabad Waxaana Lagu Saleynaya Sida Ay Dowladdu Wax U Rabto iyadoo Tixraacaysa baahiya jira.
 
Guddigaasi Oo Ka kooban 11 Xubnood Waxay Kala yihiin:
 
1- Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga (Martigeliye)
 
2- Wasaaradda Maaliyadda
 
3- Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaallaha
 
4- Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha
 
5- Wasaaradda Amniga Gudaha
 
6- Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
 
7- Wasaaradda Arrimaha Bani’aadannimada iyo Maareynta Masiibooyinka
 
8- Xafiiska Ra’iisul wasaaraha – Wasiiru dowle
 
9- Hoggaanka Socdaalka Iyo Jinsiyadaha – Heer Agaasime Guud
 
10- Maamulka Gobolka Banaadir – Duqa Magaalada/ heer kuxigeen
 
11- Xafiiska Madaxweynaha – Heer Lataliye
 
Gudigan ay dowlada fadaraalka dhistay waxaa ka mqan oo ana ka dhex muuqan doorkii dowladaha xubnaha ka ah dowlada fadaraalka,sidoo kale ma cada in lagu wargaliyay dhisida gudigan dowlad goboleedyada.
 
Dowlada Fadaraalka ayaa ku dooda in ay iyadu dalka si buuxda umatasho,halka dowladaha xubnaha ka ah dowlada fadaraalka ay qabaan in hogaaminta dalka ay tahay mid wadareed,sla markaana ay khasab tahay in ay door ku yeeshaan go’aamada iyo gudiyada dowlada fadaraalka kasoo baxaya.