Hot Topics

Video:-Maxaa ka jira in Ruushku ka dhisanayo Saldhig Milatari Berbera?

Warbaaahinta Wadanka Ruushka ayaa baahisay in Dowladda Dalkaasi ay raadineeyso in ay saldhig military ka hesho Geeska Africa gaar ahaan Deegaanadda Soomaaliland, Saldhigaasi waxaa la wariyay in uu ugu yaraan qaadidoono 1500 oo ciidamadda baddda ah.
 
Ilo wareedyo aan magacooda lashaacin oo warbaahinta Ruushku ay xiganayaan ayaa sheegay in Somaliland ay taas badalkeeda raadineeyso Aqoosi ah Jamhuuriyad Madax banaan.
 
Saldhihgaan uu Ruushku raadineeyo wuxuu muhiim u yahay in Ruushku uu Dowladaha Shiinaha iyo Mareeykanka kula tartamo Gobolka, Labadaas Dowladood waxay saldhig ku leeyihiin Wadanka Jabuuti.
 
Dublamaasiyiinta ruushku waxay Soomaaliland Wadahadalka labilaaben Dhamaadka Sanadkii lasoo dhafaay, Hishiiskuna hadda wuxuuku dhowyahay Gabangabo, sida Warbaahintu Wariyeen.
 
Saldhigu wuxuu xarun u nqon doonaa Lix Maraakiibta Dagaalka ah iyo Labo gujis, wuxuu sidoo kale yeelan doonaa Garoon leh Labo dhabe oo Diyaaraduhu ku cararaan marka ay dagayaan kaas oo awood u leh in uu qaado Lix Diyaaradaha military-ga daabula ah iyo 15 Diyaaradaha dagaalka ah.
 
Xukuumadda Moscow waxay soo Somaliland usoo bandhigtay Lacag dhan 250 Million oo maalgalin ah.
 
Dalka isu tagga Imaaraadka Carabta ayaa Somaliland ku leh Saldhig military, kaas oo Dowladda Soomaaliya aysan raali ka ahayn.sidoo kale ma cada waxa ay kala socoto qorshana cusub ee sheegaya in dowlada Ruushku ay Saldhig Milatari ka dhisan doonto halkaas.

 

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka