Hot Topics

Kenya Oo heegan sare galisay Ciidamadeeda

Hay’adda sirdoonka Kenya ayaa sheegtay in ay ka walaacsan yihiin weeraro ay Al-shabaab u qorsheeyeen in ay ku soo qaadan gobalka Waqooyi Bari iyo magaalooyinka ku yaala xeebta ee dalkaKenya.

Dowladda Kenya ,ayaa sheegtay in ay jirto cabsi ku aadan weeraro ka dhaca Magaalo xeebeedyada dalka Kenya , halkaasi oo ay ku badan yihiin dadka ka yimaada dalalka ka baxsan Kenya iyo sidoo kale Magaalada Mandera oo xuduud la leh Magaalada Baledxaawo ee Soomaaliya.

Magaalada Lamu ayaa la sheegaya in ay ka baxeen dadka aan Kenyaan aheyn sababo la xariira ammaankooda, dowladda Kenya ayaa sidoo kale la sheegayaa in ay heegan gelisay ciidanka dowladda Kenya ee ku sugan Magaalo xeebeedyada dalka Kenya.