Hot Topics

Video:-Dowlada fadaraalka oo la wareegaysa ciidamada imaaraadku tababaro

Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, ayaa wuxuu sheegay in ciidamada Imaaraadka tababarka ay siiyaan ay yihiin kuwa ka tirsan xoogga dalka Soomaaliya oo hoostagga wasaaradda gaashaandhigga.

Wasiirka wuxuu sheegay ciidamadaasi maalmaha soo socda dowladda inay la soo wareegi doonto, gaar ahaan 12-ka April oo ku beegan xuska ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in dowladda Imaaraadka uga mahad celinayaan tababarka ay siiyeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee lagu tababaray xerada generaal Gordan.hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka