Hot Topics

Video:-Madaxda Warfaafinta guud ahaan Somaliya Oo shir uga furmay Garowe

Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland ahna ku-simaha madaxweynaha Eng Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta magaalada Garoowe waxa uu shir muhiim ah uga furay madaxda wasaaradaha warfaafinta dowladda Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah oo ay weheliyeen wakiilo ka socdey saxaafadda madaxa banaan.

Qodobada ugu muhiimsan ee shirkaan looga hadlayo mudada afarta maalmood ah o uu socon doono ayaa waxaa kamid ah; in la dhiso guddi heer Qaran oo qaabilsan wacyi-gelinta dadweynaha,in laga doodo anshaxa iyo sharciga Saxaafadda dalka iyo sidoo kale in xoojiyo isku-xirka hay’adaha Warfaafinta heer Federaal iyo dowlad goboleed,sida lagu xusay ajendaha shirka,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka