Hot Topics

Video:-Beeshee xaq uleh in ay isku sharaxdo kursiga Gudoonka Baarlamaanka Fadaraalka?

Waxuu muran xoog leh ka taagan yahay beesha xaqa u leh in ay iskugu soo taagto qabashada kursiga Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka Somaliya.

Kursigan waxaa horay iskugu soo sharixi jiray hal beel taasoo ah beesha Raxanweyn markii loo eego nidaamka Somalidu hada wax ku qaybsato ee 4.5,balse laga soo bilaabo doorashadii Madaxweyne Xasan Shiikh waxaa soo badanay siyaasiyiin u dhashay beelaha kale ee Somaliyed oo kursigaas isku soo sharaxaya.

Kadib markii uu shaaciyay Gudoomiye jawaari in uu kursigaas iska casilayo,waxaa durbaba soo ifbaxay siyaasiyiin u dhashay beelaha hawiye iyo daarood oo han uga jiro qabashada kursigaas.

Hadaba dood ku saabsan arinkaas ku cusub siyaasada Somaliya ,isla markaana haday dhabowdo badali doonta habka awood qaybsiga dalka waxaa qabtay Tv-ga Somali-Caple.hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka