Hot Topics

Dowlada Imaaraadka carabta Oo warqad cabasho ah ka gudbisay dowlada fadaraalka Somaliya

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Dacwad ka dhan ah Dowladda Soomaaliya ugudbisay jaamacada Carabta,
 
Wararka ayaa intaa ku daraya in dowlada Imaaraadka ay Jaamacadda Carabta u gudbiyeen Warqad Cabasho ah oo ay kaga cabanayaan Dowladda Fadaraalka Soomaaliya,
 
Dowlada imaaraadka Carabta arimaha ay ka dacwootay,ayaa waxaa ka mid ah hab dhaqanka ay dowlada fadaralku ula dhaqanto,gaar ahaan lacagtii dhawaan lagu qabtay Garoonka Muqdisho oo ay sheegeen in aan si wanaagsan loola dhaqmin Shaqaalaha Diyaaradda iyo masuuliyiinta Safaaradooda Muqdisho.
 
Dowladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa hore Dowladda Imaaraadka carabta uga gudbisay Warqad Cabasho ah oo ku aadan faragelin ay kala kulmeen Imaaraadka iyo khal-khal gelinta amaanka dalka.
 
Cabashadan ayaa imaanaysa maalin kadib markii dowlada imaaraadka carabta ay luuqad adag ku canbaaraysay sida loola dhaqmay shaqaalihii diyaaradii siday lacagta iyo sidoo kale masuuliyiinta safaarada imaaraadka ee Muqdisho..