Hot Topics

Khayre Oo hoygiisa ku booqday Gudoomiyaha baarlamaanka Ee kursiga siibanaynaya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fadaraalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Caawa Hoygiisa ku booqday Gudoomiyihii is cailay ee Baarlaamaanka Fadaraalka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari.
 
Booqashada Ra’iisul Wasaraha ee Hoyga guddoomiyaha is casilay ee Golaha Shacabka kadib ayaa waxa ay wada qaateen kulan gaar ah.
 
Kulanka ayaa ku soo aadaya xili mudo ku dhow bil ay u dhaxeysay labada hogaamiye xiisad siyaasadeed oo sababaty in ugu danbeyn Guddoomiye Maxamed shiikh Cismaan Jawaari uu isku casilo.
 
Booqashada uu Ra’iisul Wasaare Kheyre Caawa ku tegay Hoyga Jawaari ayaa u muuqatay mid uu ku macsalaameynayay maadaama uu xilka ka tagayo mudo 5 sano ah oo uu soo ahaa guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya,iyada oo laba mar la doortay.
 
Maalinta Berito ah ayaa la filayaa in Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari uu Xarunta Golaha Shacabka Soomaaliya ka hor jeediyo khudbad uu ku shaacin doono in uu xilka baneynayo iyo sababihii ka dambeysay in uu is casilo.