Hot Topics

Video:-Talyaha ciidamada milatariga Fadaraalka Oo beeniyay in Uu fasaxay lacagta imaaraadka

Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Janaraal C/Wali Jaamac Xuseen (Gorod), ayaa markii ugu horeysay ka hadlay lacagaha malaayiinta Doolar ee Imaaraatka looga qabtay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Janaraal Gorod ayaa Sheegay inuu Warqad uqoray Ciidanka ku sugan Garoonka Muqdisho oo ku aadan inuu Imaaraatka ufasaxo lacago uga soo dageya Garoonka Muqdisho, ayna ka imaaneyso Magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga Puntland, Lacagta ayuu sheegay iney tahay mid aad uga badan sida la filayay.

Lacag aan ka badneyn Laba Milyan oo Doolar ayuu Janaraalka sheegay iney eheyd midii loo ogaa in ay soo dagsadaan taasoo loogu talagalay Mushaaraadka Ciidamada ay Imaaraatka Gacanta ku hayaan iyo tasiilaadka kale ee ay ubaahan yihiin.

Waxa uu sheegay in si caadi ah ay lacago ugu soo dagi Jireen Imaaraatka Garoonka Muqdisho, balse inta xilka uu hayay ay eheyd markii ugu horeysay ee lacag ka soo dagsadaan Garoonka,

Waxyaabaha mudan in la isweydiiyo ayuu sheegayTalye Gorod in ey tahay waxa safiirkooda uu udiiday in la baaro lacagaha ka hor inta aysan Dowladda la wareegin.

Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka ayaa sheegay in marka lacagta la qabtay, baaristana ay diideen uu la xiriiray Sarkaal udhexeeyay Ciidamadooda iyo kuwa Imaaraatka Carabta uuna wax ka weydiiyay sababta ay udiidan yihiin in la ogaado tirada lacagta ama ay soo qoraan warqad ay ku cadahay Tirada lacagta Garoonka ka soo dagtay.,hoos ka dhagayso codka.

 

 

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka