Hot Topics

Mala oran karaa hadalka Wasiirka Bahrain waa mid si dadban uga yimid D.imaaraadka?

Wasiirka arimaha dibada ee Bahrain ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitterka ku sheegay in Somaliya ka abaal dhacday dowlada imaaraadka carabta oo xiligii adkaa ee ay soo martay si xoog leh ugarab istaagtay.
 
Wasiirka ayaa faahfaahiyey waxa uu ku tilmaamay taageerada dhinac walba leh ee dawlada Imaaradka Carabtu la garab taagneyd Soomaaliya markii ay ku jirtay wakhtiga adag.
 
Wasiirka ayaa yiri”Shirarkii looga hadlayey arimaha Burcad Badeedda Soomaaliya imaaraadka ayaa lagu qabtay,sidoo kale dadaaladii la dagaalanka burcad badeedka iyo mucaawinooyinkii maaliyadeed ee ay Dawlada Imaaraadku u fidisay Somaliya.waxay qayb ka ahaayeen garab istaagii Somaliya ee imaaraadka carabta”
 
Hadalka Wasiirka arimaha dibada ee Bahrain ayaa u muuqda mid si dad ban uga yimid dowlada imaaraadka ,waa hadal beer dulucsiya oo catow ka muuqdo.
 
Hadalka Wasiirka Bahrain waxuu kaloo iftiiminayaa in imaaraadku ku fashilmay maalgashadkii siyaasada Somaliya,gaar ahaan mida Xamar ee fadhiga u ah dowlada haysata sharciyada dowladnimo ee dalka,sidoo kale waxaa la oran karaa imaaraadku waxuu ka niyad jabsan yahay siyaasiyiintii uu dabada ka riixayay,kuwaasoo noqday kuwo ay ka firfircoonaadeen kuwii Qadar ay taageeraysay.