Hot Topics

Madaxweyne Farmaajo iyo wafti Uu hogaaminayo Oo saacadaha soo socda U anba baxaya Sacuudiga

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho Waxaa maanta ka duulaya Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo isagoona ku sii jeeda dalka Sacuudiga  areebiya si halkaasi uu uga qeyb galo Shirka 29aad ee ururka Jaamacada Carabta.

Shirkan oo lagu qabanayo magaalada Riyaadh ee Boqortooyada Sucudi Carabiya ayaa xubnaha kala qeyb galaya Madaxweynaha Waxaa kamid ah Wasiirka arimaha dibeda Somaliya Axmed Ciise Cawad, kaasii oo goor hore sii gaaray magaalada Riyaad ee boqorotooyada Sacuudiga isagoona kasii qeyb galay shirkii loogu gogol xaarayay midka Hogaamiyayaasha Carabta oo uu madaxweyne Farmaajo ka qeyb galayo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la rajeynayaa inuu kulamo la qaato qaar Kamid ah Madaxda Dalalka xubnaha ka ah ururka Jaamacada Carabta ee Shirka Joogta Wuxuuna kala hadli doonaa xiriirka kala dhaxeeya soomaliya iyo sidii loo adkeyn lahaa.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dowladda sacuudiga ay bilaabeyso dadaalo ku aadan sidii ay isugu keeni leheyd Madaxda Somaliya iyo Imaaraatka Carabta oo markan xiriirkooda lagu tilmaamay inuu marayo halkii ugu xumeyd.