Hot Topics

Qarax khasaare dhaliyay Oo ka dhacay Magaalada Baraawe

Wararka ka imaanaya magaalada Barawe ee gobolka Shabelada Hoose ayaa sheegaya in ugu yaraan afar dhalinyaro ah ay ku geeriyoodeen dhowr kalena ay ku dhaawacmeen qarax halkaasi ka dhacay.
 
Qaraxa ayaa haleelay dhalinyaro kubad ku cayaareysay meel garoon ah sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.
 
Cayaarta ayaa aheyd Semi-Finalka cayaaro degamada ka socday oo ay isku arkayeen kooxo lagu kala magacaabo Elman iyo SYL.
 
Masuuliyiinta deegaanka ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa walxo lagu aasay qeybta ay dadka muhimka ah fariistaan ee garoonka lagu cayaarayay.
 
Weli ma jirto cid sheegatay weerarka hase yeeshee saraakiishii amaanka ,ayaa sheegay in ay tuhunsanyihiin maleeshiyada ururka al-Shabab inay masuul ka ahaayeen weerarkaas.