Hot Topics

Madaxweynaha Jamhuuriyada Fadaraalka Somaliya Oo canbaareeyay qaraxii Barawe

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi “Farmaajo” oo xalay la hadlayay Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka ayaa muujiyay sida uu uga xunyahay qarixii argagixisada Al-shabaab ay ku dileen dhallinyaro kubbad ku ciyaareeysay garoon ku yaala degmada Baraawe ee gobolka Sh/Hoose.
 
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in cadawga kaliya ee maanta dalka dhibaatada ku haya uu yahay Alshabaab, loona baahan yahay in dowlad iyo shacab laga wada qeyb qaato sidii loo wiiqi lahaa.
 
“Sida aad ogtihiin maanta Baraawe waxa ay ku qarxiyeen dhallinyaro aan waxba galabsan oo kubad iska ciyaaraya. Cadawga kaliya ee aan leenahay waa iyaga, waxaana u baahannahay wax ka yar labo sano oo aan isku duubni ula dagaalanno Alshabaab” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
 
Madaxweynaha ayaa tacsi u diray ehelada iyo qaraabada dadkii ku geeriyooday falkii bahalnimada ahaa ee ka dhacay Degmada Garoowe, isaga oo Alle uga baryaya dhaawacana inuu caafimaad degdeg ah siiyo.