Hot Topics

Shirkii madaxda Carabta Oo furmaya maanta iyo madax qaadacday ka qaybgalkiisa

Amiirka dalka Qatar, Shiikh Tamim bin Xamad al-Thani iyo Madaxweynayaasha dalalka Sudan iyo Syria ayaa la xaqiijiyey inaysan ka qeyb geli doonin Shirweynaha 29=aad ee Hoggaamiyayaasha Dalalka Carbeed uga furmay magaallaadda DAHRAAN ee Bariga Sacuudiga.
 
Dalka Qatar waxaa shirkaasi u matalaya Sayf Bin Muqadam Al-buaynin oo ah Wakiilka Joogtada ee u jooga Xarunta Dhexe ee Ururka Jaamacadda Carabta
 
Amiirka dalka Qatar waxa uu shalay ka soo laabtay Safar uu ku tegay dalka Maraykanka, halkaasi oo uu kula kulmay Madaxweyne Donald Trump.
 
Sababaha uu Amiirka dalka Qatar u qaadacay Shirka Madaxda Carbeed uga furmay Sacuudiga ayaa u sabab ah Khilaafka Siyaasadeed ee dalkiisa kala dhexeeya daalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Baxrayn iyo Masar.
 
Wasiirka Arrumaaha Dibedda ee dalka Sacuudiga, Caadil Al-jubayr waxa uu sheegay inaan Shirkaasi looga hadli doonin Xiisadda dalka Qatar ee la go’doomiyey.
 
Sidoo kale, Madaxweynaha dalka Sudan, Jeneral Cumar Xasan Axmed Al-bashiir ayaa ka baaqsaday Shirka Madaxda Carbeed, mana kala cadda sababaha rasmiga ee uu u qaadacay Shirkaasi.
 
Madaxweyne Al-bashiir waxa uu horey siyaasad ahaan la saftay dalka Qatar, isagoo Taageeradaasi ku kasbaday inay dowladda Qatar ballan qaaday inay Sudan ka dhisi doonaan Deked Casri ah iyo Saldhig Milliteri.
 
Sidoo kale, Madaxweynaha dalka Syria, Bashaar Alasad ee ay colaadaha iyo duqeymaha ku socdaan ayaa la shaaciyey inuusan ka qeyb geli doonin Shirka Madaxda Carbeed.
 
Bashaar Al-asad waxa uu Siyaasad ahaan taageersan yahat Dowladda Iiraan, oo ay dalalka kale ee Carabta u arkaan Khatar ku soo fool leh Mandiqadda Gacanka Carbeed.