Hot Topics

Video:-Khayre”gudoomiyihii shaqadiisa kasoo bixi waaya waa la cayrinayaa”

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa digniin u jeediyay Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir oo xilligan wajahaya culeysyo uga imaanaya Madaxda dowladda, kaddib markii lagu wargeliyay in wixii hada ka bilowda lagula xisaabtami doono shaqadeeda.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sheegay in aan loo dulqaadan doonin cid kasta oo shaqadeeda qabsan weyda ama laab-laab lagu arko, isagoo faray Talisyada Ciidanka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir cidii howsheeda qabsan weyda in shaqada laga ceyriyo

“Runtii maalin dhoweyd Madaxweynaha waad la kulanteyn, wuxuuna idiin sheegay in uusan ku qanacsaneyn amni darada magaalada, waxaa idinku soo celinayaa farriinta Madaxweynaha idin soo gaarsiiyay, laga bilaabo maanta amniga magaalada waa in aad sida ugu dhaqsiyaha badan wax uga qabataan, cidii shaqadeeda qabsan weyda waa in shaqada laga ceyriyaa”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Kulankii xalay uu la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo Saraakiisha Booliska ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. Yariisow iyo Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Jen. Bashiir,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka