Hot Topics

Waqtiga La Qabanayo Doorashada Gudoonka Golaha Shacabka oo La Shaaciyey.

Guddiga Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Golaha Shacabka ee shalay la doortay oo kulankoodii labaad ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay soo saareen Jadwalka Doorashada Guddoonka Golaha.

Marka ugu horeysa Musharaxiinta ayaa la faray in Araajiyadooda ku soo hagaajiyaan Guddi-hoosaaska Diiwaangelinta Musharaxiinta oo fadhigooda yahay xarunta Villa Hargeysa.

Musharaxiinta u tartamaya xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka kana mid ah Golaha Wasiirada ayaa laga dalbaday in Guddiga qaban qaabada ay u keenaan cadeyn ku xusan is casilaadiisa marka uu is diiwaangelinayo.

Sida ku xusan warqada is Diiwaaneglinta Musharaxiinta u tartamaya xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxa ay soconeysaa 23-ka ilaa 24-ka bishan April, iyada oo waqtiga shaqaduna ay tahay 10:00-AM-05:00-PM.

Hadal jeedinta Musharaxiinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxa ay noqoneysaa 25-ka ilaa 26-ka bishan, oo ku kala beegan Arbacada iyo Khamiista.

Ugu dambeyntii warqada ka soo baxday Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha ayaa warqada ay soo saareeen waxa ay ku sheegeen in Doorashada ay dhaceyso 30-ka April oo ku beegan maalin Isniin ah.