Xoosh Jibril”Wasiirada musharaxiinta ah uma baahna in ay iscaislaan”

Wasiirka Wasaarada Dastuurka Xukumadda Fedraalka Soomaaliya Cabdi Xoosh Jibriil ayaa sheegay in aan loo baahneeyn in ay iscasilaan  xubnaha wasiirada ah ee u tarmaya gudoomiyaga golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Isagoo ka jawaabayay su’aal uu sheegay in Saaxibkiis uu soo weeydiiyay ayuu Wasiir xoosh bartiisa facebook u soo qoray in Wasiirada u hanqal taagaya qabashada xilka Guddoonka Golaha Shaacbka ayuu yiri looma baahna in ay xilka iska casilaan ilaa iyo inta ay kaga guuleysanayaan xilka Guddoonka Golaha Shacabka.

Guddiga Doorashadda ee gudoomiyaha golaha shacabka ayaa Wasiiradda kusiga daneeynaya hordhiga shuruud ah in ay xilkooda iska casilaan ka hor inta aysan sameyn isdiiwaan gilinta musharaxnimo ee Af-hayeenka Golaha Shacabka.