Hot Topics

Faallo:-Mashaariicda ka hawlgelidooda iyo Siyaasadu iskuma xirna

Waxaa jiray nidaam ay PL qayb ka ahayd Saxiixiiisa oo lagu magacaabo (Country System) kaasoo guud ahaan Deeqaha Somaliya la siiyo ay hoos yimaadaan.

Nidaamkaas,wxuu markale ubaahnaan doona in dib loo cusboonaysiiyo Laba Sano kadib 2026 inta ka horaysa Baanka Aduunku,wuxuu marinayaa Mashaariicdiisa halkaas,waxaana la sameeyay koox leh qiimaynta ugu danbaysa.

PL markay ka dooday arinkaas,waxaa shuruud looga dhigay in Labada Sano ee hartay ay aqbasho nidaamkaas oo ay ku qaadato Mashaariicda hada utaal,wayna ogolaatay,iyadoo loo ballan qaaday 2026 in aysan hoos imaanayn nidaamkaas.

Dowlada Xamar waxay ku leedahay nidaamkaas ogaysiin,waxaana toos ula hadashay BC oo ogaysiisay in PL Mashaariicdeedii loo fasaxay.

Dhaqaalaha ku baxaya Mashaariicda,waxuu yaalaa Bank Turkiga ah,waxaana maamula Baanka Aduunka oo ma’ahan wax Gacanta ugu jira Somalida.

Haatan Wasiirada Puntland,way utegi karaan Xamar Saxiixa Mashaariicdaas kaga xiran Xalane iyo Xamar oo Madaxtooyada PL way ufasaxday.

JQ