Video:-Puntland Oo markii Afraad siinaysa tababar Ciidamada Asluubta Somaliya

Wasiirka Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare iyo Wasiirka Cadaaladda Puntland oo ka qeyb galay tababarka ayaa sheegay in u jeedka laga leeyahay uu yahay in Ciidamada la siiyo Aqoon dheeraad ah, waxna laga baro habka loola dhaqmo Maxaabiista.
 
Tiradooda ayay gaareysaa 54-xubnood, iyagoona Muddo 10-Cisho ah qaadan doona Tababarkaasi, 44-kamid ah waxaa laga soo qaaday Magaalada Muqdisho, halka 10-ka kalane laga diyaariyay Xabsiyada Puntland.
 
Tababarkan ayaa noqonaya kii Afaraad oo ka furma Magaalada Garoowe.oo lagu tababarayo ciidmaada Asluubta Koonfurta dalka,gaar ahaan Magaalada Muqdisho.
 
Ciidamada Asluubta Puntland ayaa ah kuwa ugu diyaarsan uguna tababrka fiican guud ahaan Somaliya,sidoo kale xarunta Asluubta Puntland ayaa hada sii matasha xarunta guud ee Ciidamada Asluubta Somaliya.
 
Taliyaha Ciidamada Asluubta iyo Xabsiyada Puntland Gen. Cali Nuur-Cali oo la dar-daarmay Ciidamada ayaa ka dalbaday in ay ka faaiideystaan Cashirada la siinayo, si ay Bulshada kale ugu sii faaiidiyaan,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka