Video:-Karkaar Foundation tababar Usoo xiray Kalkaaliyayaal caafimaad Oo ay tababartay

Xaqiiqdii waa waxaan la inkiri karin mudana in lagu bogaadiyo Ururka Karkaar Foundation ee u istaagay horumarinta Deegaamada Puntland.

Karkaar Foundation,ayaa tababaray 10-kalkaaliso Caafimaad mudo Lix bilood ah,kuwaasoo laga kala keenay Deegaamada ka fog laamiga ee aan sida fudud lagu gaari karin.

Xaflad qalanjabina oo loo sameeyay ayaa waxaa kasoo qaybagalay masuuliyiinta Gobolka iyo qaybaha bulshada.

Kalkaalisooyinkan ayaa dib ugu laaband oona Deegaamadii markii hore laga keenay,iyagoo halkaa ska shaqo gali doona.

Ururka karkaar Foundation ayaa gacanta ku hayay mudadii uu tababarku u socday Kalkaaliyayaashan Caafimaad,waxayna si joogta ah ubixinayeen kharashaadka ku baxayay.tababarkooda iyo Noloshoodaba.,

Agaasimaha Karkaar Foundation Cali Ciise (Cali Ganey) oo ahaa masuulkii arintan dhexda u xirtay,ayaa sidoo kale noo sheegay in ay wadaan mashaariic kale oo dhawr ah oo wax loogu qabanyo Deegaamada Laamiga ka fog iyo waliba kuwa ku yaal laamiga.

Mashaariicda la filayo in ay dhawaan hirgalana ayaa waxaa ka mid ah wadooyin muhiim ah oo isku xira Deegaamada laamiga ka fog iyo Degmada qardho ee xarunta Gobolka Karkaar.

Waa talaabo ku dayasho mudan mudana in la bogaadiyo is xilqaanka qurba joogta reer karkaar.hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka.