Video:-Kulan taariikhiya Oo dhexmaray labada Madaxweyne Ee labada kuuriya

Hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi, Kim Jong-Un ayaa ballanqaaday “taariikh cusub” oo ku saasban xiriirka dalkiisa kala dhaxeeya dalka deriska ah ee Kuuriyada Koonfureed.

Kim Jong-Un ayaa noqonaya hoggaamiyihii ugu horreeyay ee ka soo jeeda Woqooyiga oo abid cagta saara dhulka Kuuriyada Koonfureed tan iyo sanadkii 1953, xilligaasi oo uu dhammaaday dagaalkii labadaasi dal.

Hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi Kim Jong-Un iyo dhiggiisa koonfurta Moon Jae-in ayaa ku kulmay gudaha dalka Kuuriyada Koonfureed, halkaa oo ay gacanta isku salaameen.

Kim Jong-Un ayaa markii uu ka tallaabay xariiqa kala qeybiya labada dal, waxa uu sheegay in la gaaray billowga nabad dhex marta labadani dal.

Kulanka labadani hoggaamiye ayaa yimid bilo uun kaddib hanjabaadihii dhanka dagaalka ah ee ka imaanayay dhanka Wqooyiga.

Kulanka ka hor, waxaa lagu sii heshiiyay waxyaabaha ay tahay in ay labadani hoggaamiye ka wadahadlaan, balse dadka falanqeeya arrimaha gacanka Kuuriya ayaa waxa ay shaki gelinayaan daacadnimada debecsanaanta ay muujineyso xukuumadda Pyongyang.hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka