Saraakiishii Ciidamada isku dhafka Milatariga Ee G.Mudug Oo qarax lagu laayay

Inta la xaqiijiyay 3 ruux ayaa ku geeriyootay 6 kalana dhaawac ayaa soo gaaray ka dib markii Saakay Magaalada Gaalkacyo uu ka dhacay Qarax Ismiidaamin ah Sidda ay xaqiijiyeen maamulka gobolka Mudug.

Dadka dhintay Badankooda oo Askar ka tirsan ciidamada Isku dhafka ah ee Gaalkacyo ka howlgalayay Bilihii  lasoo dhaafay.
Cabdiqani Axmed Geyre.

Dadka dhintay ayaa waxaa ka mid ahaa  C/qani Axmed Geyre oo asna Kamid ahaa Saraakiisha Ciidanka Milatariga ee Isku dhafka ahaa ee gobolka Mudug ka howlgalayay  bilihii lasoo dhaafay.

 

Talye Xoreeye.

 

Dadka dhintay ayaa waxaa ka mid ah  Gaashaanle Sare Cabdi Xukun Cabdullaahi Maxamuud (Xoreeye) oo ahaa taliyihii ciidamada Milatariga ee Isku dhafka ahaa ee gobolka Mudug ka howlgalaayay

Laamaha ammaanka iyo maamulka gobolka Mudug ayaa lafilayaa inay goor dhow warbaahinta faahfaahin ka siiyaan qaraxaasi, khasaaraha ka dhashay, cidda ka danbasay iyo xog ku saabsan baaritaanada laamaha ammaanku ay sameeyeen.

Sidoo Kale Ciidamada amaanka Ayaa la sheegay iney Qabteen Gaari kale oo looga shikisanyahay inuu Qarax Sido.

Qaraxa ayaa ka dhacay Xaafadda Garsoor, Gaar ahaana Goob aan sidaas oga fogeyn Guriga Madaxweynihi Hore ee Soomaaliya Marxum Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Iyadoona la sheegay inuu weerarkaasi geystay Nin Qabay Waxyaabaha Qarxa.