Hot Topics

Video:-taariikh Nololeedkii Abwaanad Xaliimo Soofe Oo saakay ku geeriyootay garowe

Inaa lilaahi wa inaa Ileyhim Raajucuun Geeridu waa Xaq, Allaha u naxariisto Maama Xaaliimo Soofe Faarax Xassan Warsame (Khalaf), ayaa saaka waabarigii ku geeriyootay Maagalada Garoowe kadib markii ay tukatay Saaladii Subax.

Maama Xaali Soofe oo aan halkaan lagusoo koobi karin Tariikh Nololeedkeedii dheer ayaa waxaa aad loogu yiqiinay kaalmeynta dadka dhibaateysan iyo sama falkooda, Mamada ayaa ka mid aheyd Halyeeyadii Gobonimadda Soomaaliya dhaliyay, waxeyna dhalatay 1929-kii waxeyna Geeriyootay 30-04-2018 Sacada Geeska Afrika Markey ahed 05:40 Subaxnimo Maalin Isniin ah.

Maamulka iyo Howl wadeenada Bogga Caalamiga ee allidamaale waxey Tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhamaan Caruurtii iyo Caa’iladii ay ka Baxday, waxaana alle uga baryeenaa inuu Samir iyo imaan ka siiyo.amiinHos ka daawo allaha u naxariisyee Taarikhda Xalimo Qaran,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka