Hot Topics

Maraykanka Oo la wareegay Ciidamadii Imaaraadku tababaray kadib dayac soo wajahay

Ciidamadii dowlada Imaaraadka tababartay,isla markaana ay gacanta ku haysay ee dhawaan cidlada kusoo dhacay kadib markii Imaaraadku dalka ka baxay,ayaa hada si rasmi ah waxaa loogu wareejiyay dowlada Maraykanka.
 
Maraykanka ayaa mushuhaarkooda iyo daryeelkoodaba si toos ah gacanta ugu haynaya waxayna noqon doonaan sida Ciidamada loo yaqaan Alfa Group ee tooska uga amar qaata Taliska Africom ee Maraykanka.
 
Dowlada Maraykanka,ayaa arintan soo faragalisay kadib markii ciidamadan ay dayacmeen qarkana ufuuleen in ay suuqa kala galaan ama gacmo kale u adeegaan.
 
Saraakiil ka tirsan Ciidamadan waxa ay sheegeen in dhawr mar ay la kulmeen Saraakiil ka tirsan ciidamada Mareykanka ee jooga Somaliya, iyadoo laga wada hadlay hanaanka ugu wanaagsan ee ciidankan loogu wareejin karo Mareykanka.
 
Warkan ayaa waji gabax ku ah kooxda Nabad iyo Nolol oo maalmihii lasood haafay shaacinayay in dowladu si toos ah ula wareegtay Ciidamadan,isla markaana ay bixin doonto mushhaarkooda iyo daryeelkooda.