Roob xoog leh Oo Hargaysa Dadku ku laayay

Roob ka da’ay Magaaladda Hargeysa ayaa sababay qasaare Nafeed, kadib markii daadku uu galay Xaafado dhowr ah.
 
Ugu yaraan laba caruur ah ayaa dhimatay oo mid ka mid ah meedkiisa la`ayahay halka Hooyadii dhashay caruurtaasina ay dhaawac oo loo dhigay isbitaal ku yaala magaalada Hargeysa.
 
Caruurtaan ayaa ku dhintay Roobkii da’ay saacadihii u dambeeyay magaalada Hargeysa, sidoo kale dad badan ayaa ka baxay guryihii ay daganaayeen kadib markii ay biyuhu ugaleen, sidaas waxaa warbaahinta u sheegay Taliyaha guud ee Ciidanka Booliiska Somaliland Cabdullahi Fadal Iimaan.
 
Caruurta dhimatay ayaa da`adoodu lagu sheegay Ilmo yar oo 40 habeen dhalan iyo Labo sano jir.
 
Guri jilicsan oo ay ka daganayeen Xaafadda Qurac dheer ee Magaladda hargeeysa ayuu daadku ugu galay qoyskaan.
 
Madaxweeynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa u tacsiyeeyay Eheladda dadku ay ka dhinteen.
 
Roobka guga oo si isku mid ah Soomaliya uga da’ay aya sababay Qasaare kala duwan oo ay horseedeen Fatahaadda Wabiyadda iyo Daadadka Roobka.