Hot Topics

Video:-Haween Muslimiin ah oo loo doortay guddoomiyeyaasha labada gole ee Itoobiya

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Shacabka waxaa loo doortay Mufariyat Kaamil oo ka soo jeedda qowmiyadda Silte oo ka mid ah qowmiyadaha shucuubta Koonfureed.

Mufariyat waxay horay u soo qabatay xilal ay ka mid yihiin Wasiirka arrimaha haweenka iyo la taliyaha arrimaha jinsiga ee ra’iisal wasaaraha.

Golaha Wakiillada Shacabka oo ah aqalka ugu sarreeya dalka wuxuu ka kooban yahay 547 xildhibaan oo laga soo kala doorta 9-ka dowlad deegaan iyo 2 ismaamul magaalo.

 

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Federeedhiinka waxaa loo doortay Kheyriya Ibraahim oo ka soo jeedda qowmiyadda Tigreega.

Waxay badeleysaa afhayeenkii hore ee golaha federeeshiinka Yalew Abate oo xilka iska casilay.

Golaha federeeshiinka wuxuu ka kooban yahay 112 xildhibaan oo laga soo kala xulo qowmiyadaha dalka magacaabidna ku yimaadda.

Magacaabidda labadani xubnood ee ka soo jeeda Muslimiinta dalka Itoobiya ayaa loo arkaa inay wax ka badeli karta aragtida laga yaaba inay dad badan ka qabeen Muslimiinta sida in waddanku ay marti ku yihiin oo qof diinta Islaamka aaminsanna uusan xil sare ka qaban karin dalka Itoobiya.

Tirada diimaha ayaa waxay dowladda ku sheegtay tirakoobkii ugu dambeeyey inuu Islaamku yahay 33.3% halka Masiixigana ay yihiin 47%. Balse hay’ada madax bannaanna waxay sheegaan iney Muslimiinta Itoobiya 50% kor u dhaafayaan,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka