Taariikhda Maryan Cabdullaahi oo Muqdisho lagu dilay

Xubin ka tirsan shaqaalaha hay’adda WHO ee Koonfurta Soomaaliya ayaa shalay lagu dilay weerar ka dhacay magaalada Muqdisho.

Gabadha la dilay ayaa lagu magacaabaa Maryan Cabdullaahi, waxaana la sheegay inay dhinaca saadka u qaabilsanayd adeegyada tallaalka dabaysha ee gobollada Koonfureed.

Gabdhan ayaa la sheegay in fadhigeeda dhinaca shaqada uu ahaa magaalada Baydhaba, balse ay xilliga la dilayey ku sugnayd magaalada Muqdisho.