Hot Topics

Garoonkii Diyaaradaha Degmada Afmadow oo dib loo hawlgaliyay

Mas’uuliyiin uu kamid yahay Madaxweyne ku xigeenka koobaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryenta Jubbaland Shukri Weeraxi Kaariye,ayaa maanta xariga ka jaray garoonakd iyaaradaha ee Degmada Afmadow.

Diyaaradii ugu horeysay oo dad shacab wadda ayaa maanta caga dhigatay Magaalada Afmadow intii lagu guda jiray Xafladda dib u furitaanka Garoonka.

Wasiirka Howlaha Guud ee Jubbaland Shurki Weeraxi Kaariye ayaa sheegay in Adeegga Garoonka Diyaaradaha uu ka qeyb qaadanayo hormarka Degmada, waxa uuna Ganacsatada iyo cid waliba oo isticmaaleyso uu u sheegay in ay garab istaagayaan.

Degmada Afmadow ayaa mid taariikhiya muhiimna u ah jubaland ,isal markaana ah deegaan ku wanaagsan ganacsiga.

Maamulka Jubaland ayaa dadaal xoog leh ugu jira horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Deegaamada uu ka arimiyo,