Madaxweyne Gaas iyo waftigiisi oo kusoo wajahan Garowe saacadaha soo socda

Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo muddooyinkii ugu dambeeyey safar ugu maqnaa dalka Imaaraadka dhowaanna ka soo degey Boosaaso ayaa saaka safar kaga soo ambabaxay magaalada Qardho isagoo ku soo wajahan magaalada Garoowe.

Madaxweyne Gaas oo ay safarkiisa dhulka ah ku weheliyaan xubno katirsan golayaasha dowladda iyo saraakiil madaxtooyada Puntland katirsan ayaa waxaa lagu soo dhoweyn doonaa deegaanka Laanta-hawada ee duleedka Garoowe.

Dr Gaas madaxweynaha dowladda Puntland ayaa warbaahinta kula hadli doona gudaha aqalka madaxtooyada Puntland ee Garoowe uuna si qoto dheer uga hadlo safarkiisii dalka Imaraadka Carabta iyo arrimo kale oo muhiim u ah