Hot Topics

Talye-xigeenkii Booliska Puntland Oo dhaawac soo gaaray

Dhaawac fudud ayaa soo gaaray talye xigeenkii Booliska Puntland  Bile Faarax Cali ka gadaal markii ay is rasaaseeyeen ilaaladiisa iyo ciidamo Boolis ah oo fadhiyay bar kayntarool oo taalay inta u dhaxaysa Garowe iyo Buurawadal.
 
Talyaha ayaa hada xaalkiisu wanaagsan yahay,iyadoo dhaawaciisa alagu dabiibayo isbitaalka Qaran ee garowe.
 
Mahan markii ugu horaysay oo dhaawac soo gaaro Talyayaasha Booliska Puntland.
 
Ilaa iyo hada Taliska Booliska Puntland kama hadlin dhaawaca talye xigeenka Booliska Puntland soo gaaray,sidoo kale masuuliyiin ay warbaahinta idil News la xariirtay ayaa ka gaabsaday ka hadalka dhacdadan.