Hot Topics

Trump Oo ku tilmaamay Magaalada London furin dagaal

Madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa ku tilmaamay Magaalada London ee Caasimadda Ingiriiska in ay tahay furin dagaal.
 
“Mar dhowayd waxaan akhriyay sheeko ku saabsan in London ay leedahay sharci adag oo aan la rumeysan karin oo ku saabsan hubka, kadibna waxaa dhacday in isbitaal ahaan jiray kan ugu wanaagsan oo bartamaha ku yaala uu isu badalay sidii furin dagaal oo kale dhaawacyada la keenayo ee mindida ah” ayuu yiri Trump.
 
“Qoryo ma heystaan, balse waxa ay helayaan mindiyo, dhiig ayaana qubanaya isbitaalka gudihiisa, waxaa la sheegay in uu u egyahay isbitaal ciidan dagaal ku jira oo kale, tooreey, tooreey, tooeeyi” ayuu yiri isaga oo gacanta ku tilmaamaya ficilka tooreey galinta ee qofka.
 
Waxaa uu hadalkaan ka jeediyay ka dib markii uu kulan la qaatay Maanta ururka qaran ee Maraykanka ee u ololeeya dadka hubka heysta.
 
Hadalka Madaxweynaha ayaa waxaa uu ka carreysiiyay kumanaan ka mid ah dadka Shacabka ah ee London kunool iyo sidoo kale Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ingiriiska.