Hot Topics

Video:-Madaxweyne Gaas Oo si maqaab sare leh loogu soo dhaweeyay Garowe

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti uu hogaaminayo ayaa Maanta oo ay taariikhdu tahay 5 May 2018 dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo saaka ka soo anbabaxay magaalada Qardho xarunta gobolka Kar-Kaar, halkaas oo uu ku sugnaa tan iyo maalinimadii shalay.

Madaxweynaha Dowldda Puntland ayaa markii uu soo gaadhay Magaalada Garoowe ee caasimada Dowladda Puntland waxaa halkaasi kusoo dhoweeyey qaar kamida goloyaasha Dowladda Puntland, maamulka Degmada Garoowe, kan gobolka Nugaal, ganacsato, saraakiil ka tirsan madaxtooyada Dowladda Puntland iyo bulshada qaybeheeda kala duwan, kuwaas oo  dhammaantood si baaxad leh uga qayb qaatay soo dhoweynta madaxweynaha.

Dhina kale Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdigiisa ayaa markii ay soo gaadheen garoowe waxaa loo soo galbiyey xarunta qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe, halkaasi oo uu madaxweynuhu kula hadley warbaahinta,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka