Hot Topics

Ma laga yaabaa in la siidaayo Qalbi-Dhagax? xigasho.BBC.

Waa markii ugu horraysay oo Cabdikariim Muuse Qalbi-dhagax warkiisa si rasmi ah loo maqlo tan iyo markii tobon bilood ka hor loo dhiibay dowladda Itoobiya.
 
Cabdikariim Qalbi-Dhagax ayaa ku jira xabsi-guri ku yaalla Addis-Ababa waxaana shalay halkaasi ku booqday madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.
 
Sawirro si weyn loogu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya Axmed Madoobe iyo Qalbi-dhagax oo mar wada taagan marna kuraas kuwada fadhiya.
 
Muqaalka sidoo kale wuxuu muujinayaa in goobta lagu sawiray aysan ahayn xabsi calaamad xabsina aysan ka muuqan goobtu.
 
Sawirrada waxa ay sidoo kale muujinayaan saansaan kasta oo ah in xaaladda Qalbi-Dhagax ay caadi tahay, xitaa caafimaad ahaan aysan ka muuqanin wax diif iyo duruuf nololeed ah.
 
BBC-da ayaa loo sheegay in madaxweynaha Jubbaland iyo ra’iisul wasaaraha itoobiya ay ka wada hadleen arrinka Qalbi-dhagax iyadoo Axmed Madoobe uu Itoobiya si rasmi ah uga codsaday in Qalbi-Dhagax xoriyadiisa dib loogu soo celiyo. Balse Itoobiya weli kama aysan hadlin amuurtan.
 
Ra’iisul wasaare Abiye Axmed
 
Labo bilood ka hor Itoobiya waxaa ka dhacay isbadal siyaasadeed oo mug weyn. Waxaa yimid ra’iisul wasaare cusub,Gudoomiye baarlamaan oo cusub iyo waliba isbadal kooban oo xaga golaha wasiirada lagu sameeyey.
 
Waxaa sidoo kale Abiye Axmed uu la yimid siyaasad furfuran oo si weyn gudaha iyo dibeda dalkaba looga soo dhoweeyey. Wuxuu la kulmay mucaaradkii dowladda EPRD ku kacsanaa wuxuu sii daayay maxaabiis badan oo siyaasad ahaan iyo qaabab kaleba u xirnaa.
 
Bashiir Maqtal Daahir
 
Bashiir Makhtal Daahir (Dhexda) ayaa dhawr iyo tobon sano u xirnaa Itoobiya.
 
Siidaynta maxaabiista waxaa ka faa’iisaystay Bashiir Makhtal Daahir oo dhowr iyo tobon sano u xirnaa dowladda Itoobiya kuna eedeysnaa in uu ka tirsanyahay ururka ONLF. Bashiir oo dhalashada Canada haysta wuxuu dib ugu noqday dalka Canada.
 
Waxaana hadda la isweydiinayaa in muuqaalkan cusub ee Cabdikariim Qalbidhagax ay saansaan u noqon karto in Itoobiya ay siidayso. Waxaa sidoo kale wararkan hadda soo baxaya ay dhabarjab weyn ku noqon kartaa dowladda federaalka soomaliya oo ninkan horay ugu tilmaamtay argagaxiso
 
Qabashadii Qalbi-dhagax.
 
Tobon bilood ka hor ayay ahayd markii Cabdikariin Qalbi-dhagax laga soo qabtay magaalada Galkacyo dhinaca ay Galmudug maamusho waxaana la keenay Muqdisho ka dibna waxaa loo sii qaaday dalka itoobiya iyadoo la sii marsiiyey magaalada Baydhabo oo ciidanka Itoobiya ay xarumo ku leeyihiin.
 
Wey adkayd in isla markiiba la ogaado dhiibistii Qalbi-dhagax dowladdana wey ka gaabsatay intii mudo ahaydba inay ka hadasho qaabkii ninkaasi loogu wareejiyey Itoobiya.
 
Ka dib maxaa dhacay?
 
Saxaafada Soomaalida iyo siyaasiyiin badan ayaa aad u faaqiday dhiibistii Qalbi-dhagax waxaana dowladda lagu cadaadiyay inay muujiso mowqifkeeda arrinkaasi ku aadan.
 
Golaha wasiirada go’aankoodii
 
Cabdiraxmaan Yariisoow
Go’aan ay soo saareen golaha wasiirada dowladda federaalka ayaa lagu sheegay in dhiibista Cabdikariin Qalbi-dhagax ay ahayd go’aan ay dowladu qaadatay.
 
Wasiirkii Warfaafinta ee xiligaasi Cabdiraxmaan Yariisoow ayaa sidan hadalkaasi u sheegay, isagoo intaasi raaciyay in heshiisyo horey loo galay la waafajiyay
 
‘Qalbi-dhagax waxuu dalka ka waday falal lid ku ah amniga waxuuna xiriir la lahaa kooxaha Alshabaab’, dowladda ayaa sidoo kale ururka ONLF ku tilmaamtay mid argagixiso ah.
 
Hadalkaasi maxaa ka dhashay?
 
Golaha wasiirada cod aqlabiyad ah ku ansixiyay in dhiibistii Qalbi Dhagax loo maray sifo sharci ah
Dowladda markii ay hadalkaasi soo saartay waxaa cirka isku sii shareeray xamaasadii arrinkaasi ku saabsanaa, waxaana si weyn ay dowladda ula kulantay cambaarayn kala duwan oo bulshada dhexdeeda iyo siyaasiyiintaba ah.
 
Saxaafada ayaa sidoo kale si weyn u faaqiday hadalhaynta dhiibista Qalbi-dhagax.
 
Ka dib waxaa la saaray guddi amuurtan soo baara baarlamaanka horgeeya sidii ay wax u dhaceen. bilooyin ka dibna guddigii waxay baralamaanka horkeenay in dhiibistii Cabdikariin Qalbi-dhagax ay qalad ahayd isla markaasi si sharcidaro ah loogu dhiibay dowladda Itoobiya. Waxaa sidoo kale baaritaankaasi ay gudigu sameeyeen eedeyn loogu jeediyey hay’adaha amaanka.
 
Yaa Soomaali ah?.
 
Dhiibista Cabdikariim Muuse Qalbi-dhagax waxay keentay in la isweydiiyo qofka Soomaliga ah muwaadinimadiisa. Taasoo fasiraadeeda muran weyn keentay. Waxaa sidoo kale wax la iska weydiiyey waxa dastuurku uu ka qabo muwaadinimada iyo sida loo qeexayaba
 
 
Ururka Dowladda Federaalka ayuu eedayn culus ugu jeediyey inay muwaadin Soomaali ah dowlad kale u gacan gelisay. Balse bilooyin ka dib ONLF iyo Itoobiya waxaa u bilowday wadahadalo Kenya ka dhacay oo qodobo ahaan lagu wada heshiiyey balse aanan si wadajir ah loo wada saxiixin.
 
Qodobadaasi waxaa ka mid ahaa in maxaabiista ay itoobiya hayso ee ONLF ka tirsan la sii daayo.
 
Madaxweynaha Maxuu ka Yiri Berrigaasi ?
Madaxweyne Farmaajo ayaa ku raacay go’aanka ay soo saaren guddigii baarlamaanka ay xaajadan u saareen.
 
Hadalhaynta baraha Bulshada”
Baraha bulshada ayaa si weyn loogu hadalhayaa sawirada saaka soo muuqday. Waxayna dhaliyeen dood soo kicisay muranadii horay u jiray.
 
Waxaa hadda dad badan isweeydiinayaan in ay suurtogal tahay in Qalbi-Dhagax la siidayn doono iyo inkale.