Amniga xarunta Aqalka-sare Oo maanta laga arinsanayo

Aqalka Sare ee Fadaraalka waxaa kulan ku leh Senatarada Aqalka Sare kulankaas ayay uga hadli doonaan Amniga xaruntooda.
 
Gudoominayo Aqalka sare C/Xaashi C/llaahi ayaa kulanka shir guddoominaya,waxana sida shalay la sheegay lagu soo bandhigi doonaa qodobadii ka soo baxay shirkii guddiga joogtada ah ay shalay yeesheen.
 
Guddoomiyaha Guddiga arrimaha Bulshada Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Fadaraalka Soomaaliya Senator Axmed Macallim Cumar “Nadiir”ayaa kulankii shalay ka sheegay in sidii la rabay aan loo sugin amniga Xarunta Golaha Shacabka.
 
Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa horay Warqad ugu diray Taliska Amisom oo ku aadan iney Ciidamo usoo diraan, si ay amnigooda u sugtaan.
 
Dhinaca kale Kulanka Maanta ee Xildhibaannada Aqalka Sare ayaa waxa ay uga hadli doonaan sidii loogu gurman lahaa dadka ay fatahaadaha Wabiyadu ay saameeyeen.