Hot Topics

Madaxweyne Axmed Madoobe Oo booqday Qalbidhagax

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa booqday xabsiga uu ku xiran yahay Cabdikariim Muuse Qalbidhagax oo katirsanaa Jabhadda ONLF.
 
Qalbidhagax ayaa dowlada federaalka Soomaaliya u dhiibtay dowlada Itoobiya bishii Augusto ee sanadkii hore, kaas oo lagu xiray xabsi ku yaala magaalada Addis abbab ee xarunta dalka Itoobiya.
 
Axmed madoobe oo booqasho ku jooga magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa mas`uuliyiinta dowlada Itoobiya kala hadlay xariga C/kariim Muusa Qalbidhagax, wuxuuna ka dalbaday in la sii daayo Qalbidhagax.
 
Wararka soo baxa ayaa tilmaamaya in ay socdaan dadaalo lagu doonayo in lagu siidaayo C/kariim Muuse Qalbidhagax oo u xiran dowlada Itoobiya.
 
 
Dowladda Madaxweyne Farmaajo ayaa Itoobiya u gacan-gelisey Qalbidhagax oo deganaa magaalada Gaalkacyo kadib markii halkaas laga soo qabtey lagana dhoofiyey Cadaado isaga oo la sii marsiiyey Muqdisho, waxaana ay Dowaldda federaalka kuq aadatey muddo dheer in ay ka hadlaan kiiska Qalbi-dhagax.
 
Baarlamaanka Federaalka oo guddi u saarey ayaa dhiibitaankii Qalbidhagax ayaa warbixin ka soo baxdey guddiga lagu sheegay in dhiibitaankii Qalbi-dhagax ay ahayd mid sharci-darro , laakiin ma jirto cid loo qabtey, cid masuuliyadda denbigaas qaadey iyo qof shaqada looga cayriyey, waxaana Dowaldda Madaxweyne Farmaajo ku muteysatey inbadan oo shacabka Soomaaliyeed kamid ah ay kala noqdaan kalsoonidii horey loo siiyey ee ahayd in lagu doortey Wadaninimo iyo ka soo horjeedka danaha Itoobiya ee Soomaaliya.